Posted on Tuesday, April 22, 2008 - 09:47 PM
Kismaayo: Baaq ku socda Maleeshiyooyinka ku dagaalamaya Degaanka Kudha
Dhamaan Gudiga iyo Xubnaha Ururka Badbaadinta Iyo Mideynta Jubbada Hoose ee ku kala Sugan Kismaayo, Bariga Dhexe, Bariga Afrika, Yurub, W/Ameerika, Australia waxaan talo iyo waano u direynaa dhamaan dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya marsada Kudhaa inay si shuruud la,aan ah ay u joojiyaan dagaalka...
KA: GUDIGA URURKA BADBAADINTA IYO MIDDEYNTA JUBBADDA HOOSEKU: DHAMAAN KOOXAHA KU DAGAALAMAYA GOBOLKA JUBBADA HOOSE KHAASATAN MARSADA KUDHAA. BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIMDhamaan Gudiga iyo Xubnaha Ururka Badbaadinta Iyo Mideynta Jubbada Hoose ee ku kala Sugan Kismaayo, Bariga Dhexe, Bariga Afrika, Yurub, W/Ameerika, Australia waxaan talo iyo waano u direynaa dhamaan dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya marsada Kudhaa inay si shuruud la,aan ah ay u joojiyaan dagaalka una wada hadlaan, dhibaatada dhexdooda ahna ay ku xaliyaan si walaalnimo ah, kana digtoonaadan in uu cadowgooda kaga faa,iideysto dagaalka ka dhex alooshan dhexdooda.Waxaan kaloo baaq u direynaa dhamaan waxgaradka iyo cuqaasha, siyaasiyiinta, isimada, dhalinyarada iyo waliba intii garaad fiyoow leh in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka ay ku le,anayaan dadka walaalaha ah,Waxaa ka mamnuuca qofka muslinka ah inuu daadiyo dhiiga walaalkiisa kale ee muslinka ah, waxaan u aragnaa dagaaladan haddii aan nahay Ururka Badbaadinta iyo Mideynta Jubbada Hoose wax waxashnimo ah oo ay ku kaceen dad aan garaad fiican lahayn.Hadaba dhamaan dadka ehelada ah ee ka soo jeeda Gobolka Jubbada Hoose waxaan ku boorinaynaa inay ka qeyb qaataan joojinta dhiiga ku daadanaya marsada Kudhaa. Mahadsanidiin dhamaantiin.Ururka Badbaadinta iyo Mideynta Jubbada Hoose.E-mails: waamogroup1@hotmail.com ama
Tuesday, April 22, 2008
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment