Thursday, March 20, 2008

kismayo

Kismaayo: War deg deg ah: Markab Dhuxul lagu raray oo uu dab ku qabsaday Dekeda Magaalada Kismaayo.12. februar 2008
APL
Tool

Kismaayo (AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Markab kuwa xamuulka ah oo saaka dhuxul lagu raray uu Dab ku qabsaday Dekeda Magaalada Kismaayo.Wararka oo isa soo taraya ayaa intaa ku daraya in Markab uu qeyb ka mid ah uu Dabku baabi'iyay, isla markaana uu iminka dabka sii socda, waxaana ilaa iyo hada jirin isku day lagu daminayo Dabka.Dabka oo ah mid wali holcaya ayaa qarka u saaran Markab qeybihiisa kale uu u gudbo, iyadoona dabeylahana ay sii hurinayaan dabka.Magaalada Kismaayo ayaa maalmahan aheyd meel si weyn Dhuxusha looga dhoofinayo, iyadoona Deegaanada Jubooyinka ay ka soconeysay jarista dhisrta.Wareegto horay ugu soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Mudane C/llaahi Yuusuf ayaa lagu mamnuucay jarista Dhirta iyo Dhoofinta Dhuxusha, iyadoona amarkaas uu ka dhaqan galay meelo ka mid ah Dalka, laakiin Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyo beeleedyo ayaa u muuqda mid aan loogaga hogaansamin amarka Madaxweynaha.wixii warar ah ee ku soo kordha dabka sii holcaya ee qabsaday Markabka dhuxusha lagu rarayay kala soco wararkeena DambeC/casiis MaxamedAllPuntland

No comments: